Wararka

Ciidamo Lagu Soodaadiyay Magaalada Garoowe

waxaa maanta siweeyn loo adkeeyay amaanka magaalada magaalada garoowe iyadoo ciidamada booliska puntland ay siweeyn u adkeynayaan amaanka magaaladaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland gaar ahaan kuwa xasilinta ayaa waxaa lagu wareejiyay Amniga Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal oo falal amnidario ay ku soo bateen. Ciidamadaas xasilinta ayaa habeen walba waxa ay holwgallo kala duwan ka sameeyaan Xaafadaha ...

Read More »

Faahfaahino; Dil Xalay Ka Dhacay Muqdisho Iyo Al Shabaab Oo Sheegatay Dilkaasi

wararka aynu ka heleyno degmada wadajir ee gobolka banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay ay halkaasi ay ku dileen mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee qeyb ka ahaa soo xulista xildhibaanada golaha shacabaka soomaaliya. laba dhalinyaro oo ku hubeysnaa bastoolada ayaa ka dambeeyay dilka sida ay inoo xaqiijeen dadku sugnaa goota uu falka ka dhacay. Maxamed Cali Feeldheer ...

Read More »

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Kulmaya

waxaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya. ajendaha kulanka ay xildhibaanada ay yeelanyaan ayaa ah aqrinta Koowaad ee hindise sharciyeedka bartilmaameydsiga cunaqabateynta dhaqaalaha. gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shir gudoomin doona kulanka ay maanta yeelanayaan golaha shacabka. amaanka wadooyinka soogala xarunta golaha ayaa ah mid si’aad ah loo adkeeyay xilli ciidamada booliska ay iyagu ...

Read More »

Duqa Muqdisho ”Waxbarashada Waxa Ay Saldhig U Tahay Dowlad-Nimadeyna”

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Daah-furay Barnaaijka Waxbarashada dadka Waaweyn ee Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay ujeedka barnaaijkani in uu yahay mid aqoonta bulshada kor loogu qaadayo, maadaama qorshuhu yahay in sanadka 2020 ay dalka ka dhacaan doorashooyin, isla markaana ay muhiim u tahay qorista iyo akhrintu codbixiyaha. “Si kor ...

Read More »

Dowladaha Turkiga Iyo Ruushka Oo Kormeeraya Sidii Loo Xoreeyn Lahaa Gobolka Idlib

Dowladaha Turkiga iyo Ruushka ayaa kormeeraya qorshaha gobolka idlib looga sameynayo dhul ka caaggan mintidiinta, taa oo looga gol-leeyahay in la kala fogeeyo kooxaha fallaagada ahi iyo ciidamada dowladda Suuriya. Waddamadani ayaa kooxahani Islaamiyiinta ahi u qabtay ilaa iyo maanta oo isniin ahayd in ay halkaasi kaga baxaan. Balse dadka la socda arrimaha dalkaasi Suuriya ayaa sheegaya in mintidiinta kooxahani ...

Read More »

Taliska Booliska Gobolka Baay Oo Awaamiir Adag Kusoo Rogay Gadiidleeyda Gobolkaasi

Taliyaha Ciidanka Booliska ee gobolka Baay Mahad C/Raxmaan Aadan   ayaa ka digay weerar qaraxyo ah oo uu sheegay la doonaayo in loo Adeegsado  Gaari Nooha ah iyo Mooto bajaaj . Taliyaha  ayaa sheegay in Magaalada Baydhaba ay ka Mamnuuceen Isticmaalka Bajaajka iyo Noohada ilaa iyo inta laga soo qabanaayo ama gacanta looga dhigayo gaadiidka ay ka shakisan yihiin, Waxa uu ...

Read More »

Diyaarad Melitari Oo Laga Leeyahay Dalka Sacuudiga Oo Kusoo Dhacday Waqooyiga Dalkaasi

Wasaaradda Gaashaandhiga Sacuudiga ayaa sheegtay in Diyaarad ay leeyihiin Ciidammada Cirka ee Sacuudiga ay ku soo dhacday waqooyiga dalkaasi xilli ay tababar ku jirtay. Masuul ka tirsan Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegay in shilkaasi uu ku geeriyooday duuliyihii Diyaaradaasi,waxaana warku intaa ku daray in haatan aay socota barista sababta shilkaasi. Diyaaradda oo nuuceedu ahaa HOK ayaa ka mid Nuucyada tababarka ...

Read More »

Duqa Muqdisho Oo La Kulmay Wakiilka Cusub Ee QM U Qaabilsan Soomaaliya

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ku soo dhoweeyey xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho madaxa hawlgalka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo dhowaan dalka soo gaaray. Kulan muhiim ah oo labada dhinac wada yeesheen kadib, ayuu Duqa Muqdisho tilmaamay in ergaygan cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay isla soo qaadeen ...

Read More »

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Kulan La Qaatay Madaxa UNHCR ee Bariga Afrika Iyagoo Kawada Hadlay Xal-u-helidda Barakacayaasha

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan UNHCR Danjire Maxamed Cabdi Afeey iyo Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Caroline Van Buren. Duqa Muqdisho iyo Madaxda UNHCR ayaa ka wada hadlay sidii xal-waara loogu heli-lahaa barakacayaasha ka badan 5,000 ee ku sugan ...

Read More »

Xuska Maalinta Cunada Aduunka oo Muqdisho iyo Gobalada Dalka lagu qabanayo

Xuska maalinta caalamiga ah ee cunada aduunka ayaa maanta dunida laga xusayaa, waxaana maanta Muqdisho iyo meelo ka mid ah dalka ka dhacaya munaasabado arrintaasi ku aadan. Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa qabanqaabisay kulan wayn oo looga hadlayo kobcinta wax soo saarka beeraha, kaas oo madaxda wasaaradda iyo dadka ka shaqeeya hawlaha beeraha la xiriira ay ka qaybgalaayaan. Wasiirka Beeraha Soomaaliya ...

Read More »

War Kasoo Baxay Mareykanka Oo Lagu Sheegay In Weerar Duqeeyn Ah Lagu Dilay Saraakil Katirsan Al Shabaab

Howlgal dhanka cirka ah oo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Africom ayaa lagu dilay saraakiil ka tirsanaa koxda Alshabaab,kaasi oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska militariga Mareykanka Afrika ee Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi ay ka dhacday deegaanka Araare ...

Read More »

Wasaaradda Caafimaadka Oo Sheegtay Iney Ka Qeeyb Qaadan Doonto Latacaalida Dhawacyadii Baydhabo

Mudane Maxamed Saciid Cabdullaahi Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal ku bixineyso sidii caafimaad deg deg ah ay u heli lahayeen dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Baydhabo. Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ku dhawaad 10 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Baydhabo oo xaaladood aad u ...

Read More »

Xubnaha Aqalka Sare Ku Metala K/Galbeed Oo Baaq U Diray Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Senatarada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku metala Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kullamo mudo u socday waxay ka soo saareen war murtiyadeed ku saabsan Xaaladdaha amni,siyaasadeed,Bulsho iyo midda dhaqaale  ee shacabka Koonfur Galbeed. Senatarada ayaa marka hore cambaareeyay qaraxyadii kooxaha argagixisada 13-kii bishan October ay ka geysteen magaalada Baydhabo,weerarkaasi oo dad shacab ah ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen,waxayna ...

Read More »