Ra’iisul Wasaare Rooble oo furay Shirka Wadatashiga ee Taabbagelinta Geeddi-socdka Dowladnimada Xilliga Kala-guurla

|

Muqdisho 06 December, 2021–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta furay shirka Wadatashiga taabbagelinta geeddi-socodka dowladnimada ee xilliga kala guurka oo uu la yeeshay bulshada rayidka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa socodsiinta hawlaha dowladda iyo iswaydaarsiga talooyin ku aaddan dardargelinta iyo turxaan-bixinta hannaanka doorashada dalka.

Ugu horrayn, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka warbixiyey halka ay marayso doorashada baarlamanka Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in laga guuleystay dhamaystirka aqalka sare ee baarlamanka, isla markaana la bilaabay doorashada aqalka hoose. Mudane Rooble ayaa xusay in ay jiraan caqabado iyo dhaliilo ka soo baxay doorashada aqalka hoose, laakiin ay arrintaasi dib u saxayaan guddiyada doorashada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladnimadu tahay meerto iyo qori isu dhiib, isagoo tilmaamay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin daahfuran iyo socodsiinta hawlaha dowladda iyo adeeg-bixinta.

Ra’iisul Wasaare ayaa bogaadiyey kaalinta bulshada rayidka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed kaga jiraan dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo taabbagelinta nidaam dowladeed oo u adeegaya danaha ummadda Soomaaliyeed oo dhan.

Wararka La Xiriira