Dhalin yaro si iskooda ah iskuso abaabushay Magaalada Cabudwaaq.

|

dhalin yaro si iskooda ah isku abaabushay ayaa magaalada caabuudwaaq ee gobolka galgaduud ka bilaabay ka hortaga dilalka iyo colaadaha..
Degmada caabuq waaq ee gobalka gadgaduud iyo deegaanada hoos taga oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagnaayeen colaad beedyo ayaa waxaa halkaasi iska xilqaamay dhalinyada magaalada waxa ayna bilaabeen kumalo wacya galin ah oo dhalinyada qaar ay kala hadlayaan qaabkii looga gudbi lahaa claahada.

Nasteex Adan oo ka mid ah dhalin yaradaasi ayaa inoo waramay arintaasi waxa uuna sheegay in wadaan kulamo ay la qadanayan bulashada qeybaheeda kala gadisan iyo maamulka degmada intooda badana aya diirada saarayaan sidii looga gudbi lahaa coldaadaha iyo dilka ka dhacay caabud waaq iyo deegaanada hoos taga.

Nasteex sidookale waxa uu sheegay hadda la dareemayo isku soo dhawaasho sdhanka dhalinyada ah ayna sii wadi doonaan ka wacya galinta colaada oo la ogahay in yihiin wax aanan uwanaagsanayn bulshada.

Magalada caabudwaaq ee gobalka galgaduud iyo deegaanada hoos taga ayaa mudooyinkan waxaa ka jira colaad beeleedyo ka dhashay is qababsi dhul daaqsimeedyo iyo ceel biyoodyo taas oo dhawr jeer lagu guul dareysay in wax laga qabto dhawr jeerna sidookale ay guul daro kusoo dhamaadeen wadahado la doonayay in lagu dhameeyo colaada ka jirta gobalka galgaduud.

Wararka La Xiriira