Xaalada Dadka Barakacayaasha ee ku Nool Degmada Deyniile Oo Aad looga Derinaya.

|

Xaalada dadka barakacayaasha ah ee kusoo qul qulaya magaalada muqdisho ayaa lasheegayaa in ay tahay mid aad udaran oo liidata waxaana degmooyinka deyniile iyo kaxda ayaana saacadihii lasoo dhaafay ay soo garayeen dadka abaarta kasoo bara kacayay.

bulsho soomaaliyeed ayaa isku xilqaamay in ay shacabkaasi kasoo qaadaan meelaha abaartu ku dhifatay oo muqdisho keenaan islamarkaanina inta ay awoodaan ay siiyeen waxa ayna dowlada soomaaliya ugu baaqeen in ay wax ka qabato arintaaan oo ay udhaga nuglaadan baaqyadooda.

Mid ka mid dadka aadka ula socda dadka barakacayaasha ah oo la hadlay idaacada manta ayaa sheegay in dadkan ay kasoo hayaameen deegaano ku yaala gobalka shabeelaha hoose islamarkaanina ay xoolahoodii abaartu galaafatay waxbana aysan heysan.

Waxa uu sidookale sheegay in tiro ahaan ay gaaraan ilaa 6 kun oo qoys kuwaas oo xaaladooodu darantahay qaarkodna caruur ay uga soo dhinteen intii ay wadada kusoo socdeen cid walba oo arintaan ka qeyb noqon karta ayuuna ugu baaqay in ay kaalinteeda ka qaadato si wax looga qabto ugu yaraan xaalada abaare ee ay la ildaranyihiin.

Muqdisho oo ay ku suganyihiin madaxda ugu sareysa dalka ayaa wali waxaa soo qul qulaya dadka kasoo barakacaya deegaanada maamulka koonfur galbeed soomaaliya oo ah meesha ugu daran ee abaartu ka jirto waxaana hadda deegaanada maamulkaasi ku sugan xubo ka socda dowlada soomaaliya oo ukuur galid u aaday gobalada koonfur gabeed ay ka koobantahay.

Abaaraha ka jira soomaaliya ayaa sii darsanaya waxaana gobalada dalka gaar ahan dhulka miyiga ah kasoo hayamaya dadka abaartu saameysay saacihii lasoo dhaafay ayayna gaarayeen degmooyinka ku yaala koonfurta iyo bartamaha soomaaliya ee ay nolasha aas aaskeeda ka heli karaan.

Wararka La Xiriira