Wasiirka Maaliyadda DFS Beyle oo Shalay Su,allo adag la weydiyay.

|

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa shalay su’aalo adag lagu weydiiyay kulankii Xildhibaanada labada Aqal ee BF, kuwaasi oo la xiriira xisaab-xirkii miisaaniyada ee dowladdii hore.

Bayle ayaa iska difaacay su’aalo iyo eedeymo loo jeediyay intii uu joogay Wasaarada Maaliyadda, isaga oo sheegay in uu sameeyay xisaab-xir afar sano oo kamid ah shantii sano ee dowladdii hore haysay talada dalka Waxa uu sidookale ku dooday in mas’uuliyadda xisaab-xirka uu leeyahay baarlamaankii 10-aad, maadama uu sheegay in uu u gudbiyay, inkasta oo aan Golaha la horkeenin.

Arinta maalyada oo xilliyo kala duwan soo maryay ayaa waxaan wax ka weydiinayay maxamed cumar dalka oo ka mid ahaa baarlamaankii 10 ee soomliya waxa uuna sheegay in arinteeeda ay soo martay iyada oo aan xisaab xirid jirin lacaga jeebka lagu shubto sidookalena aysan jirin qasnad dowladeed oo maalyada uxilsaarneed.

Xildhibaan hore daxla waxa uu sheegay in wazaradii maalyada ee xukuumada xilka ka dagtay lagu arkay isbadal weyn oo dhan walba leh waxa uuna tusaale usoo qaatay bixinta mushaaraadka oo si joogta loo helayay iyo in bangiga dhaxe lagu aamino hantida dowlada waxaana xusid midan in dowladihii hore intaasti si sax aysan umaamuli jirin.

Hadalkan kazoo yeeray maxamed ccmar dalka ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay si toos ah xilka uu ugu wareegay ra’iisul wazaaraha cusub ee soomaaliya xamza cabdi barre lana filayo in dhawaan uu soo magacaabo golihiisa waziirada waxaana dowlada waxyaabaha looga fadhiyo ka mid ah bixinta mushaaradka oo si toos shaqaalaha dowlada ay uqaataan.

Wararka La Xiriira