fahfaahin Dheraad iyadoo shalay Muqdisho laga soo dajiyay dhaawacyada wariyaashii dhaawacmay.

|

Iyadoo shalay muqdisho laga soo dajiyay dhaawacyada wariyaashii ku dhaawacmay qarax ka dhacay duleedka degmada matabaan e gobalka hiiiraan ayaa waxaa isoo taraya masuuliyiinta ka hadlaya arintaasi.

Xog yaha ururka suxufiinta soomaaluyeed ee sjs cabdalla axmed muunin oo la hadlay idaacada manta ee muqdisho ayaa marka hore cabaareyey qaraxa lala beegsaday gaariga ay saarnaayeen wariyaasha ka hawl galayay warbaahinta dowlad gobaleedka hirshabelle xarunteeda magaalada baladweyne waxa uuna sidookale uu dalbaday in baaris lagu sameeyo beegsida wariyaasha iyo qaraxa haleelay gaarigii ay saarnaayeen.

cabdlla axmed muunin waxa uu shaaciyay in masuuliyada wariyaashaasi ay saarantahay maamulka hirshabelle ee uu hogaamiyo cali guud laawe xuuseen oo maalmulkiisu dadaal badan uu galiyay la tacaalida wariyaasha warbaahintooda ka hawl galayay isaga oo dalbaday in baaris daah furan lagu sameeyo arintaasi.

Suxufiyiinta ka hawl gala warbaahinada ku yaala soomaaliya ayaa si isku mid ah ucambaareeyey qaraxa wariyaasha lagu dhaawac waxa ayna alle uga baryeen in uu uboogo dhayo xaalada wariyaasha ayaana hadda ah mid wanaagsan waxaa lagu daaweynahaa mid ka mid ah isbitaalada ku yaala muqdisho oo shalay dhaawacyadooda la keenay.

Wariyaasha soomaaliyeed ayaa la kulma tacadiyo aad looga naxo waxaa soomaaliya ay mid ah meelaha lagu dhibaateeyo suxufiyiinta inkastoo ay jiraan ururo udooda xuquudka wariyaasha hadda waxaa muuqata in aysan jirin kaalin muuqa oo weyn islamarkaanina wariyaashu xuquuddooda ay ku heli karaan.

Wararka La Xiriira