Shir looga hadlaayo adeegyada aas-aasiga ah ee Caafimaadka oo Kismaayo ka furmay

|

Shirka looga arinsanayo adeegyada aas aasiga ah ee Caafimaadka iyo sidoo kale saamaynta uu yeeshay cudurka Corona Virus ayaa ka furmay magaalada Kismaayo.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur  oo furtay shirka ayaa shirka uga warbixisay warbixin la xiriirta saameynta uu Soomaaliya ku yeeshay cudurka iyo sida ay ula tacaashay wasaaradsa.

Qaar kamid ah Wasiirada Caafimaadka dowlad Goboleedyada ayaa dhankooda shirka ka jeediyay warbixino ku saabsan baahiyaha Caafimaad ee kahira degaannadooda iyo saameynta uu ku yeeshay cudurka COVID-19.

Geba-gabada Shirka u dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Wasiirada Maamul Goboleedyada ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed kusaabsan waxyaabihii ay shirka uga hadleen.

Wararka La Xiriira