Carruurta baalashleyaashu sow xaq u ma laha waxbarasho

|

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee uu hogaaminayey Korneel Maxamed Siyaad Barre, waaxaa dalka ku soo badanayey carruurta aanan nasiib u lahayn in ay waxbartaan sababo la xiriiro daruuf iyo in aysan jirin dowlad awood u leh in ay kafaalo qaado waxbarashada carruurta ku nool gudaha wadanka.

Colaadihii sokeeye waxay burburiyeen hannaankii waxbarasho ee wadanka iyo kaabayaashii dhaqaale ee lagu kaabi lahaa waxbarashada.

Sida laga soo xigtay warbixin ay sanadkan daabacday hay’adda Samafalka ah ee USAID, in ka badan 972,000 oo carruur Soomaaliyeed ah ama mid ka mid ah shantii ilmood ee Soomaaliyeed ee da’da waxbarashada gaartay ayaa ah kuwa ay barakiciyeen dagaallo iyo abaaro isbiirsaday oo ku soo laablaabtay wadanka.

Sidoo kale, carruur badan ayaa ah kuwa waalidiintood ku waayey dagaallada iyo qaraxyada ka dhaco meelo badan oo dalka ka mid ah.

Waayidda labada waalid, gaar ahaan Aabaha waxaa feker iyo isku tashi ay ku abuurtay dhalaan aad u da’ yar kuwaasi oo hadba meel ka eega sida ay nolashooda u marayn lahaayeen.

Waxaad arkaysaa carruur ku howlan, shaqo ay danta bidday oo aysan awoodin ay qabtaan balse ay huriwaayeen. Waxeyna iskugu jiraan shaqooyinka ay qabtaan, kirish-boy, wadde gaari dameer, barashada makaaniknimada, kuwa qashinka xaafadaha ka soo daadiya, kuwa barta sida guryaha loodhiso iyo baalashlayaal. Hadaba warbixinteenu waxaan diiradda ku saari doonnaa baalashleyaasha ama carruurta kabaha caseeya. Boqolaal carruur ah oo ay da’dooda u dhaxayso 13 ilaa 4 jir ayaa maalinkii ushaqa taga suuqyada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Waxayna isku dayaan in ay helaan nolal dhaanta midda guri Jooga ah.

Shaqooyinka ay qabtaan carruurtaasi waxay kala kulmaan caqabado kala duban, oo ay kamid tahay jir dil, caga-juglayn, handadaad iyo in loo diido labada kun shilinka Soomaaliga ah oo ay kabaha ku caseeyaan. Ma helin mana hayaan, cid ay ugar dhiibtaan si ay uhelaan xaqooda.

Juhdiga iyo dadaalka dheeriga ah ee ay muujinayaan, ubadkaan duruufta la nool waxay ku raadinayaan in ay helaan ku filnaashaha qutul daruuriga qoyskooda, iyagoo maalinkii hela wax ka yar Shan doolar ($5).

Sidaa ay tahay, haddana kama aysan quusan, in ay ka mid noqdaan ubadka aayatiinka wacan suganya eel eh raja ah in mar un ay soo noqon doonto kaalintii daryeel ee dowladda. Hayeeshe ee waxaa xusid mudan in ay ubaahan yihiin gacan qabasho ay ka helaan bulshada ay ku dhex nool yihiin.

Marka Aad lasheekaysato Waxay kuu sheegayaan in ay aaminsan yihiin qadarta Rabi, waayo waxa ay yihiin kuwa aan haysanin labadooda waalid ama mid ka mid ah, taasi oo u keentay in ay noqdaan uqid-meeyaasha Reerka.

Wararka La Xiriira