Ra’iisul Wasaare Rooble oo Golaha Wadatashiga Qaranka kala hadlay dardargelinta iyo daah-furnaanta doorashada Muqdisho, 29 November 2021–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hab fogaan arag ah kula kulmay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelintooda, Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la dhowro doorashadu in ay noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo, isaga oo golaha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay dowlad-goboleedyada bilaabay doorashada Golaha Shacabka, waxuna ka codsaday kuwa harsan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan. Madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle ayaa caddeeyay in ay maalmaha soo aaddan bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

|

Muqdisho, 29 November 2021–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hab fogaan arag ah kula kulmay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelintooda,

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la dhowro doorashadu in ay noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo, isaga oo golaha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay dowlad-goboleedyada bilaabay doorashada Golaha Shacabka, waxuna ka codsaday kuwa harsan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan.

Madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle ayaa caddeeyay in ay maalmaha soo aaddan bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

Tani ayaa imaaneysa xilli Ra’iisul Wasaare Rooble uu maanta  Guddiyada maamulka doorashooyinka ee Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle in ay si dhaqso ah u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka, si doorashada loogu soo gabagabeeyo waqtiga loo cayimay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa amray guddiyada doorashooyinka in ay ilaaliyaan madaxbanaanida iyo daah-furnaanta doorshada, isaga oo faray in ay u hoggaan samaan xeerarka iyo Habraacyada doorashooyinka ee ku cad heshiisyadii 17 September iyo kowdii Oktobar 2020, 27-kii May iyo 24 August 2021.

“Ma aqbalayo Guddiyo isbarbar socdo oo u arka in ay matalaan Dowlad-goboleed. Ogsoonaada waxaad ku magacaaban tihiin waa wareegto Ra’iisul Wasaare sidaas darteed waa in aad dhexdhexaad u noqotaan dhammaan musharaxiinta xaqa u leh in ay u tartamaan kuraasta Xildhibaannimada Golaha Shacabka.”

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu ka codasanayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka ah in ay guddiyada doorashooyinka u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda kuna dhiirigeliyaan guddiyada in ay si madaxbannaan oo hufan u fuliyaan howlaha doorashada.

Wararka La Xiriira