Miino dad Shacab ah kula qaraxday deegaanka Buula Xaaji ee Jubbada Hoose

|

Kismaayo (Radio Maanta) Afar qof oo shacab ah ayaa lagu soo waramayaa inay miino kula qaraxday Deegaanka Buula Xaaji ee Galbeedka Kismaayo.

Afarta qof ayaa waxaa ay ahaayeen dhalinyaro wadatay gaari nooca biyaha lagu dhaamiyo oo ay Xoolo biyo ugu dhaansanayeen.

Qaraxa miino ee lakacay wiilashaas 4ta ah ee deegaanka Buula Xaaji ayaa waxaa ay ka dambeeysay markii ay saake deegaankaasi la wareegeen Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee Danab.

Xaalada Buula Xaaji waa ay dagantahay waxaana hada gacanta ku haya Ciidamada Jubbaland.

Shacabkana waxa ay ku mashquulsanyihiin Aaska wiilasha saake miinada kula qaraxday deegaankaasi.

Wararka La Xiriira