Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho oo galaaftay nolosha dad shacab ah

|

Qarax aad u xooggan oo ka dhacay agagaarka madaxtooydii hore ee Cabdiqaasim oo ku taala degmada Hodan ayaa waxa uu geystay qasaaro isugu jira naf iyo maal.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay halkaasi.

Sida ay sheegtay Aamin Ambalance, Qaraxa ayaa waxa uu qasaaro lixaad leh u geystay iskuulka Mucassar isagoo halkaasi ku dilay arday, kuwo kalena ku dhaawacay iyo shacab waddada marayay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay oo u badan shacab marayay wadada uu qaraxu ka dhacay.

Wararka La Xiriira