Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Ku-Xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey oo booqasho sharafeed ugu yimid

|

Muqdisho, December 06, 2021 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ahna Isu-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay, Mudane Adam Abdelmoula, oo booqasho sharafeed ugu yimid.
Wasiirka iyo Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey iyo dadaallada lagu xoojinayo heerarka gargaarka bani’aadannimo iyo horumarinta ee loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed.

Wararka La Xiriira