Xukuumadda F. Soomaaliya oo hal Milyan oo Dollar u qoondeysay gurmadka abaaraha

|

Muqdisho, Nofeembar 27, 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyay shirka Guddiga Gurmadka abaaraha ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay hal Milyan oo Doollar oo hordhac ah u qoondeysay gurmadka abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Guddiga Gurmadka Abaaraha in sida ugu dhaqsiyaha badan caawimaad ula gaaraan deegaannada ugu daran ee abaartu saameynta ku yeelatay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan dadaal kasta oo gurmad lagu gaarsiinayo meelaha si daran u saameysay abaartu.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xusay in Golaha Wasiirrada mushaarkooda laga jarayo bil walba inta abaartu jirto %20, si loogu kabo gurmadka, isagoo ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in loo istaago gacan qabashada walaalaha la tabaalaysan abaarta.

Wararka La Xiriira