Raisul Wasaare Rooble oo la kumay Wafdi ka socday Baanka Adduunka

|

Muqdisho (Radio Maanta) Raisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Wafdi ka socday Bankiga Adduunka oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Bankiga Adduunka ee Geeska Afrika Mr.Keith Hansen.

Raisul Wasaaraha iyo Masuuliyiinta Bankiga Adduunka ayaa ka wada hadlay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunku ka fuliyo Soomaaliya iyo kuwa qorsheysan, sida uu xafiiska Raisul Wasaaruhu ku sheegay barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

Imaansha Masuuliyiinta Bankiga adduunka  ku soo aadaya iyadoo todobaadkan uu Bankiga Adduunka uu sheegay in uu xayiraad saaray shirkad Kenyaati ah oo lagu magacaabo Africa Development Professional Group Ltd. (ADP) oo ku lunsatay malaayiin doolar mashaariic ay ka fulisay Soomaaliya, isla markaana uu maalgeliyay bankiga Aduunka.

Shirkaddan ayaa lagu eedeeyay inay is dabarin iyo lunsi lacageed oo  ku sameysay mashruuc loogu talo galay in lagu hormariyo tayada Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Somali Capacity Injection Project (CIP)

Mashruucan oo fulintiisa ay masuul ka ahayd xafiiska Raisul Wasaaraha ayaa  Dowladda Soomaaliya kaga gol lahayd in ay ku tayeyso shaqaalaha Rayidka Soomaaliya iyo horumarinta hay’adaha dowladda, maadaama Soomaaliya ay ka soo kabaneyso burbur ku dhacay hay’adaheeda fulinta iyo shaqaalahaba.

 

Wararka La Xiriira