Bankiga Adduunka oo saaray xayiraad Shirkad Kenyan ah oo lunsatay Malaayiin Doolar oo loogu galay tayeynta Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya

|

Bankiga adduunka ayaa sheegay toddobaadkan in uu xayiraad saaray shirkad Kenyaati ah oo lagu magacaabo Africa Development Professional Group Ltd. (ADP) oo ku lunsatay malaayiin doolar mashaariic ay ka fulisay Soomaaliya, isla markaana uu maalgeliyay bankiga Aduunka.

Shirkaddan ayaa lagu eedeeyay inay is dabarin iyo lunsi lacageed oo  ku sameysay mashruuc loogu talo galay in lagu hormariyo tayada Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Somali Capacity Injection Project (CIP)

Mashruucan oo ay fulintiisa si wadajir masuul uga ahaayeen Xafiisyada madaxweynaha,  xafiiska Raisul Wasaaraha iyo madaxtooyada Puntland ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu tayeeyo shaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Mashruucan oo ay ku baxay adduun gaaraya 40 milyan oo doolar ayaan la ogeyn illaa iyo hadda halka lacagtaasi ay ku baxday, taasina ay keentay in Bankiga adduunka uu dib u eegis ku sameeyo mashruucaas, isla markaasna uu joojiyo, shirkaddii masuulka ahayd  oo lagu magacaabo Africa Development Professional Group Ltd. (ADP) la saaro xayiraad.

Dowladda Soomaaliya ayaa ujeedka mashruucan fulintiisa kaga gol lahayd in ay ku tayeyso shaqaalaha Rayidka Soomaaliya iyo horumarinta hay’adaha dowladda, maadaama Soomaaliya ay ka soo kabaneyso burbur ku dhacay hay’adaheeda fulinta iyo shaqaalahaba.

Dowladda Soomaaliya illaa iyo hadda kama hadlin musuqmaasuqa lagu helay shirkaddan ADP ee Kenyaatiga ah ee ka fulineysa mashruuca Soomaaliya, kaasoo fulintiisa ay masuul ka ahaayeen xafiisyada ugu sareysa ee Soomaaliya.

 

Wararka La Xiriira