Yaa u maqan bukaannada qaba xanuunnada dhimirka?

|

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee uu hoggaamin jiray Korneel Maxamed Siyad Barre, waxaa isa soo tarayey tacadiyada ay la kulmaan dadka qaba cudurrada ku dhaca dhimirka, haddii ay ahaan lahayd dhanka daweynta ama falcelinta ay kala kulmaan bulshada.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka, seddexdi qof ee ku nool Soomaaliya mid baa qaba xannuunka dhimirka, tiradaas ayaa ah mid aad uga sarayso qowmiyadaha kale ee ku nool dalalka kale ee ay ka jiraan colaadaha.
Dadkaas waxaa ka mid ah dadka qaba xanuunnada dhimirka, dumarka, carruurta iyo dadka da’da ah.

Xannuunka dhimirka waxa uu ku dhacaa maskaxda, wuxuuna keenaa in qofka ay isbadasho dabacadiisa, sida uu sheegay Dr. Ibraahim Cali Cawaale oo ah dhaqtar ku taqaqusay cuduradda ku dhaca dhimirka.

“Xanuunka dhimirka wuxuu kuyimadaa qofka oo wax kudhaca sida shil baabuur ama waxyaabo lasoo gudboonadday sida in deegeenka ay dhib kadhacddo oo qofka ay saamayn kuyeelato” sidaas waxaa yiri Dr. Ibraahim Cali oo ah dhaqtar ku taqaqusay cuduradda ku dhaca dhimirka.

Siyaabaha uu ku yimaddo xanunka dhimirka ayaa waxaa kamid ah in qofka uu xanunka uga yimaado dhinaca walidka qaab dhaxal ahaan, ama qofka marka uu aad u isticmaalo maandooriyaha kuwaas oo u geysta dhibaatooyinka caafimaad oo qofka u keena in uu waasho, sida uu xaqiijiyey Dr. Ibraahim.

Dr Ibraahim oo muddo ka badan labaatan sano ah ka shaqeynayay daweynta bukaannadan ayaa sheegay in xanunka dhimirka ee ka yimaadda dhinaca waalidka la daaweyn karo.
Ugu danbayn Dr. Ibraahim Cali waxa uu fariin u dirayaa bulshada Soomaaliyeed si ay iska ilaaliyaan daawooyinka keena qofka in uu ku dhaco xanuunka dhimirka, daawooyinkaasi oo kala ah karaamadoolka oo si joogta loo isticmaalo, iyo in qofku uu adeegsaddo daawo uusan dhaqtar u qorin oo la xaqiiqsan cabirkeeda ,si loo yareeyo dhibaatooyinka keena karo in qofka uu kudaco xanuunada dhimirka.

Magaaladda Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbadda Hoose waxaa kutaala hal xarun oo kaliya taas oo xaaladoodu lagu tacaalo , talona lagu siiyo, waxna lagu barro , dadka qaba xanuunka dhimirka waxaana xiligaan ku sugan lix iyo toban qof.

Maxamed Saalax Xasan oo da’diisu 61 sano jir tahay waxaa uu ka mid yahay dadka qaba xanunka dhimirka ee aan udhalan balse ka qaaday isticmaalka balwadda xad dhaafka ah.
Hadda waxaa uu ku sugan yahay xarunta Dehraan Mental Hospital oo Kismayo ku taala taas oo la gula tacaalo, sidoo kale lagu dhaqan celiyo dadka ka xanuunsan dhimirka.
Maxamed oo aan xaladdiisa wax ka weydiyay ayaa ii sheegay in uu wanaagsan yahay.
Ka hor inta uusan helin daryeel, daawo ku filan iyo latacaalid, Maxamed naftiisa ayuu dhibaatayn jiray, isagoo madaxiisa darbiyadda la dhici jiray.

Daryeelka uu helay Maxamed Saalax Xasan waxaa u baahan boqolal dhimirka ka xuunsan oo isaga la mid ah oo aan lahayn ehel, kuwaas oo doorbiday in ay la darsaan nolol xumo tii ugu xumayd oo ay noqdaan darbi Jiif.

Xuquuqda uu shaqsi walbo uu u leeyahay tixgelin, xaq-dhowr iyo adeeg caafimaad waa mid ka mid ah waxyaabaha gundhigga u ah iskuxirka bulshada , balse waxaa jira dhibbaatooyin soo wajaha qaar kamid ah berimageeda nugul, kuwaas oo la kulma tacadiyo saamayn lixaad leh ku yeesha nolashooda.

Haddii aynu eegno dhanka bulshadda, waaxaa jira dhibbaatooyin farabadan oo ay bulshada kala kulmaan dadkan, dhibaatooyinkaasi oo iskugu jira kuwo faquuq iyo dhaawacyo.
Dadkan ayaa la kulma dhibbaatooyinkan xilliyada ay marayaan wadooyin, sida in la tuuryeeyo, iyo in qofka laga dhex saaro bulshadda oo la iska fogeeyo .

Soomaaliya oo ka mid ah dowladdaha soo karaya ayaa ilaa hadda aan lahayn sharciyo lagu ilaalinaya dadka qaba xanuunnadda dhimirka iyo xarumo caafimaad oo lagu la tacaalo dadka qaba xanunuka dhimirka wallow waayadii dambe ay qaar ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay furanayeen goobo caafimaad oo si shaqsi ah loo maammulo.

Bukaannadan qaba Xanuunka Dhimirka ayaa ah kuwa u baahan in la garab istaag iyo in la tusiyo naxariis , balse inta badan bulshada Soomaaliyeed ma siiyaan wax tixgalin dadka qaba xanunka, ma na helaan waxyaabaha aas- asiga u ah nolosha sida daryeel kufilan iyo ka warqab jookta ah.

Wararka La Xiriira