Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta oo ka digay Khatarta Macluusha Somalia.

|

Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta oo ka digay Khatarta Macluusha Somalia, kuna baaqay Faragelin Degdeg

أبو الغيط يحذر من خطر المجاعة فى الصومال ويدعو إلى سرعة التدخل

Axmed Abul Ghait ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin Heerka Macluusha Somalia iyo Warbixintii ay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP kaga digtay Khatarta ay Kumanaan Soomaali ah wajahayaan.

Waxa uu intaasi ku daray inay jirto Abaar Daran, Sicir-bararka Maciishada iyo Heerka Nafaqo-darada Carruurta.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Jamaal Rushdi( جمال رشدي المتحدث الرسمى باسم الأمين العام لجامعة الدول العربية) waxa uu xusay inuu Abu Gaith ugu baaqay Ururada Caalamiga iyo kuwa Gobaleedka inay dedejiyaan Gurmadka degdeg ah ee la gaarsiinayo dadka ku macquulsan Somalia iyo inay Faragelin Degdeg ah ku sameeyaan sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaalida, si wax looga qabta Xaalladda Abaareed ee Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta sheegay in la joogo xilligii uu Ururku garab istaagi lahaa Somalia,l xilligan ay wajahan Khatarta Abaaraha iyo Macluusha.

Wararka La Xiriira