Xafiiska QM oo Agab loogu talo galay Amniga doorashooyinka ku wareejiyay Maamulka Gobolka Hiiraan

|

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa ku wareejiyay maamulka gobolka Hiiraan agab loogu talo galay hubinta amniga doorashooyinka Golaha shacabka.

Agabkaan oo ka kooban dhowr waxyaabood ayaa waxaa bixiyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, waxaana loo soo marsiiyay Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ee ku sugan Beledweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo Agabka la wareegay ayaa uga mahad celiyay Saraakiisha UNSOM, isaga oo sheegay in sidii loogu talo galay loogu Shaqeyn doono Agabkaas

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka, waxaana laga dareemayaa diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee dorashada golaha shacabka.

Wararka La Xiriira