Waa kuma ra”isal wasaaraha cusub Xamza Cabdi Bare?

|

Xamse Cabdi Barre waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya horraantii 1970.
Waxbarashadiisa aasaasiga ah, dugsiga hoose, dhex iyo sare waxa uu ku qaaday gudaha dalka. Jaamacadda heerka koowaad waxa uu kusoo dhigtay waddanka Yemen, halka shahaadada heerka labaad uu kusoo qaatay jaamacad ku taalla dalka Malaysia.

Hadda waa xildhibaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ah ee Soomaaliya, oo laga soo doortay Jubbaland.
Wuxuu xubin ka yahay Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta ee uu hoggaanka uu u hayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo uu horay uga soo noqday xoghaye.

Inkastoo uu shaqooyin kala duwan kasoo qabtay xafiisyada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, magaciisa waxa uu si wayn u soo shaac-baxay markii uu noqday guddoomiyihii guddiga doorashada ee Jubbaland, intii u dhaxeysay 2019-kii ilaa 2020-kii.

Intii u dhaxeysay 2014-kii ilaa 2015-kii waxa uu la-taliyaha dhinaca maamulka ah u ahaa guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho ee xilligaas, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Howlaha kale ee uu Xamsa soo qabtay waxaa ka mid ah in uu la-taliye sare kasoo noqday Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Federaaleynta.

Wararka La Xiriira