Ururada Suxufiyiinta iyo Warbaahinta Madaxa banaan oo cambaareeyay dilka Agaasimihii Radio Muqdisho

|

Muqdisho – (Radio Maanta) Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed – SJS iyo Dallada Warbaahinta Soomaaliyeed -SOMA ayaa si kulul u cambaareeyey dilka beegsiga ah ee loo geystay Agaasimihii Radio Muqdisho, isla markaana aha suxufi, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (oo loo yaqaanay Cabdicasiis Afrika) iyo dhaawaca Agaasimaha Telefishanka Dowladdu maamusho ee SNTV Sharma’arke Maxamed Warsame oo wadihii baabuurkooda Cabdiqaadir Dhagaxow ooxalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

SJS iyo SOMA waxay ku baaqayaan baaritaan madax-bannaan, dhamaystiran oo daacad ah in lagu sameeyo weerarkan arxan darrida ah. Waxaan sidoo kale tacsi u direynaa qoyska Cabdicasiis annaga oo u rajeyneyno caafimaad degdeg ah inta ku dhaawacantay.

Soomaaliya ayaa mar kale kaalinta koowaad  kaga jirta liiska dalalka kuwa dilalka suxufiyiinta aan lala xisaabtamin. Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Soomaaliya in ay mudnaanta siiso dhammeynta isla xisaabtan la’aanta denbiyada ka dhanka ah suxufiyiinta.

Agaasime Cabdicasiis Afrika ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho

Wararka La Xiriira