Bisha December waxaa waddanka Nigeria ka dhici doona tartanka quruxda hablaha Afrika, waxaana la qorsheynayay gabadha Soomaaliya ku matali doonta.
Si taas waddada loogu xaaro waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay tartan loollan qurux ah oo u dhaxeeya gabdhaha Soomaaliyeed ee daneynaya munaasabaddaas, kaasoo ay martigalisay shirkadda Quman Fashion Show.
Saddex gabdhood oo heerka ugu dambeeya ee tartanka isla soo gaaray waxaa laga xushay Sacdiya Maxamed oo ku guuleysatay billadda quruxda Soomaaliya, waddankeedana ku matali doonta tartanka weyn ee dhacaya dabayaaqada sanadkan.
Maxaa lagu xushay gabadha ugu quruxda badan?
Mowduucan oo si weyn loogu hadal hayay baraha bulshada ee Soomaalida waxaa su’aalo la iska weydiinayay qodobada la fiirinayay marka la dooranayay gabadha ugu quruxda badan.
Isla su’aashaas ayay BBC-du waydiisay Muno Maxamed Diirshe oo ka mid ahayd garsooreyaashii tartanka ee go’aaminayay qofka kaalinta koowaad la siinayo.
“Waxaan ku xulannay quruxdeeda, aqoonteeda, akhlaaqdeeda, diinteeda, dad la dhaqankeeda, dabeecaddeeda iyo wajigeeda furan, sida qosolkeeda, daymadeeda iyo naxariisteeda,” ayay tiri Muno si guud u koobeysay waxyaabaha laga eegayay gabdhaha tartanka ka qayb galay.
“Waxyaabaha loo xushay maku jirin deegaan, maku jirin qabiil iyo dhammaan waxyaabaha ay dadka sheegaan,” ayay sii raacisay hadalkeeda.
Sida ay Muno sheegtay, intaas waxaa sii dheer in gabdhaha tartamayay waxyaabaha laga eegayay ay ka mid yihiin arrimaha aad loo sheego marka laga hadlayo quruxda, sida “dhex yar, dhirir iyo waji soo jiidasho leh”.
Goobta uu tartanka ka dhacay waxaa lagu casuumay rag badan halka garsooreyaashana ay ka mid ay ahaayeen niman, maadaama quruxda gabdhaha inta badan wax laga weydiiyo ragga, sida ay ku doodayeen dad badan oo qayb ka ahaa falcelinta baraha bulshada.
Muno oo taas ka hadleysay ayaa tri: “Dhowr nin ayaa ku jiray garsooreyaasha, raggii meesha fadhiyay kaliya ma ahane raggii kale ee lasoo casuumay ayaa meesha dhoobnaa, marti sharafta xitaa waxaa u badnaa rag.”
Inta badan dadkii soo diray lambarrada oo codadka qaadanayay waxay ahaayeen rag sida ay BBC-da u sheegtay gabadhan ka mid ah garsooreyaasha.
‘In Soomaaliya ay ka qayb gasho tartanka quruxda’
Muno ayaa dhinaca kale sheegtay in ujeeddada tartankan loo qabtay ay tahay mid la xiriirta wacyigelin iyo in dunida la tuso wax ka duwan colaad oo ku saabsan Soomaaliya.
“Soomaaliya haddii la dhoho baaba’, burbur, qarax, xabad, isdil iyo abaar ayaa kusoo dhacda dadka markii la joogo caalamka. Si loo baddalo wajigaas waxaa lagu dadaalay in Soomaaliya magaceeda iyo calankeeda uu qayb ka noqdo tartanka quruxda Afrika. Quruxda wajiga iyo qofka kaliya ma aha, dalkaaga inuu sharfan yahay oo calankaaga uu asaaggiisa ag yaallo waxay ka mid tahay quruxda,” ayay tiri.
Waxaa xusid mudan in gabdhaha tartanka ka qayb galay ay asturnaayeen, iyagoo aan meesha ka saarin dhaqanka Soomaalida.
Gabdho Soomaali ah ayaa horay ugu caan baxay tartamada quruxda iyo xayeysiimaha dharka, inkastoo ay matalaan waddmo kale oo ay qaxootinnimo ku tageen.
Sannadahan dambe ayaa dhalinyarada waxa ay isku dayayaan in ay la jaan qaadaan dadka kale ee ku jira shaqadan ee ka soo jeeda bulshooyinka kale ee caalamka.
Soomaalida kuma cusba xirfaddan oo dadkii horey ugu sii jiray ayaa waxa ka mid ah Iimaan oo ku biirtay shaqadan 1976-dii iyo Xaliimo Aadan oo haysata dhalasho Maraykan ah, taas oo sannadkii 2016-ka ka qaybgashay tartanka quruxda gabdhaha ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyada oo asturan.