Tababarka Saxaafadda Xuquuqda Aaadanaha oo Baydhabo lagu soo gebagebeeyay

|

Baydhabo (Radio Maanta) Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa magaalada Baydhabo ku soo gebagebeeyay wareeggii 5aad ee tababarka Saxaafadda Xuquuqda Aaadanaha oo qeyb ka ah tababarro xiriir ah oo SJS ay siineyso suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku kala nool gobollada dalka.

Tababarka oo socon doona saddex maalin waxaa taageertay hay’adda National Endowment for Democracy  ayaa furitaankii tababarkan waxaa ka qeybgalay Cumar Mustafa, oo ah agaasime ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta KGS kana wakiil ahaa Wasiirka Warfaafinta, Hilaal Sheekh Shuceyb oo ah Guddoomiyaha Dallada Warbaahinta Soomaaliyeed Somali Media Association -SOMA, Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Ahmed Mumin, Wakiilka SJS ee KGS, Aadan Geesey iyo Xoghayaha Xuquuqda Haweenka ee #SJS Hinda Daahir Jaamac.

Tababarka oo ay ka qeyb qaateen 22 suxufi oo ka kala socday warbaahinada kala duwan ee magaalada Baydhabo ayaa noqonaya tababarkii nuuciisa ah oo ay suxufiyiinta reer Koonfur galbeed qaataan.

 

Wararka La Xiriira