Soomaali xaalad adag ku wajahaysa dal uu dhowaan ka dhacay afgambi militari

|

Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha dalka Sudan, oo dhowaan uu ka dhacay afgambi militari, ayaa walaac xoogan ka muujiyey xaalada hubanti la’aanta amni ee ka jirta dalkaas.

Qaar kamid ah ardeyda wax ka barata dalkaas ayaa SNTV u sheegay in qalaalasaha siyaasadeed ee ka jirta Sudan uu ku yeeshay saameyn xoogan, gaar ahaan waxbarashada iyo adeegyada daruuriga ah.

“Dadka meeshan jooga ee Ardeyga ah wey ku rafaadsan yihiin waxa weeyi waxbarashadii oo ka istaagaysa marba marka ku xigta oo haddan rejadeedii iska xun taahy, Internetkii waa maqan yahay muddo ku dhow labo asbuuc,” ayuu yiri Yuusuf Cabdikariin oo kamid ah ardeyda la hadashay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxay sheegen in dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo xaaalada hubanti la’aanta ee ka taagan Sudan ay xaalada adag u horseeden ardeyda Soomaaliyeed ee dalkaas u joogta waxbarashada.

“Wadanka mushkiladiisa aad ayey u badan tahay, aad ayey noo saameysay waxbarashadeeni, adeegi bulshada ee noloshana aad bey u taabatay dhaq-dhaqaaqyada isdaba jooga ee ka socda dalka.”

Afgambiga ayaa kusoo noq-noqday Suudaan, waxaana ugu dambeeyey midkii xukunka looga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir 11-kii April ee sanadkii 2019, kaas oo isaga qudhiisa xilka ku qabsaday afgambi uu ku sameeyey xukuumadii Saadaq Al-Mahdi sanadkii 1989-kii.

Wararka La Xiriira