Shirka Dowladaha Hoose ee Puntland oo saaka Garoowe ka furmay oo lagu kala-kacay

|

Shirka Dowladaha Hoose ee Puntland oo saaka Garoowe ka furmay ayaa goordhaweyd lagu kala-kacay; ka dib ismaan-dhaaf dhexmaray Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Karaash iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Dhabancad.

Khilaafka Karaash iyo Dhabancad ayaa salka ku haya khilaafka Madaxweyne Deni iyo ku-xigeenkiisa iyada oo Wasiir Dhabancad kamid ahaa saddex wasiir oo karaash xil ka qaaday kolkii Deni ku jirey Ololaha Doorashasa Soomaaliya.

Ismaan-dhaafka saaka ayaa ku bilowday, markii Karaash uu Wasiir ku amray in uu shirka ka baxayo, iyada oo wasiirka ay raaceen qaar kamid ah degmooyinka markii hore ugu danbayna shirka ayaa lagu kala kacay.

Wararka La Xiriira