Shir looga hadlayo kala korinnta Ilmaha iyo sare uqaadista Caafimaadka dumarka oo Muqdisho lagu qabtay

|

Muqdisho (Radio Maanta) Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda oo kaashanaysa Hay’addaha UNFPA, ayaa qabatay Dood cilmiyeed heerkeedu Sareeyo taasoo looga hadlayo kala korinnta Ilamaha iyo sare uqaadista Caafimaadka dumarka.

Kulaanka ayaa waxaa shir gudoomiyay Agaasimaha Waaxda siyasadda iyo qorsheynta iyo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka qoyska ee Wasaraada Caafimaadka.

Shirkan oo aad muhiim u ah waxaa ka soo qeybgalay culimaa’udiin, dhakhaatir ku taqasusay daaweynta cuduradda dumarka, xubno kasocday aqoonyahanka dalka, bulshadda rayidka , madaxada ka socotay Hay’ada Qaramada Midoobay sida UNFPA iyo iyo UNICEF kuwaas oo kla shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka howlaha horumarinta caafimaadka hooyada iyo dhallaalnka .

Wararka La Xiriira