Shil Gaari oo ka dhacay gobolka Togdheer oo sababay dhimasho iyo dhaawac

|

Burco (Radio Maanta) 2 qof ayaa ku dhimatay, 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen shil Gaari oo ka dhacay deegaanka Beer ee gobolka Togdheer.

Shilkani oo ka dhashay labo gaari oo isku dhacay ayaa dhaawacyadii dadkii waxyeeladu ka soo gaartay loola cararay cusbitalka weyn ee magaalada Burco

Agaasinka guud ee isbitaalka Burco oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in cusbitalka ay soo gaareen 2 qof oo dhaawac iyo 11 dhaawac ah oo dhaawacooda lagu dabiibayo isbitaalka.

Waxaana maamulka gobolka Togdheer waxay baaq u direen wadayaasha darawalada inay taxadaraan iyadoo deegaanadan inta badan ka dhacaan shilal gaari, kuwaas oo sababa dhimasho iyo dhaawac, soo gaaro dadka rakaabka ah, taasoo sababteedu yahay dawaralladu  gaadiidka oo si xawli ah u kaxeeya baabuurta.

Wararka La Xiriira