Raisul Wasaare Rooble oo la kulmay Wefdi ka socday Midowga Afrika

|

Muqdisho – Raisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay xubno ka socday 15 dal ee xubnaha ah Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, uuna hoggaaminayo safiirka dowladda Masar u fadhiya Itoobiya.

Sida uu bartiisa Twitter-ka ku qoray Afhayeenka Xukuumadda Mohamed Ibrahim Macalimuu,  Wafdiga iyo Raisul wasaaraha ayaa ka wada hadlay Mustaqbalka AMISOM iyo horumarinta wada shaqeynta dowladda federaalka iyo Midowga Afrika.

Imaanshaha wafdigan ayaa timid kadib markii dowladda Soomaaliya ceyrisay Simon Mulongo oo ahaa ku xigeenka AMISOM, una dhashay dalka Uganda.

Wararka La Xiriira