Ra’iisul Wasaare Rooble oo ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan Gurmadka Abaaraha

|

Muqdisho, Nofeembar 21, 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay in ay u istaagaan samatabixinta dadkeenna la dhibaateysan abaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in kumaanaan ka mid ah dadkeenna ay ku sugan yihiin xaalad adag oo biyo la’aan ay la tacaalayaan, deeganno bandanna ay ka jirto dhibaato xooggan oo nololeed oo ay sababtay abaartu, taasna ay waajib ka yeelayso in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu ka qeyb qaato gurmadka degdegga ah ee loo fidanayo walaalaha dhibaateysan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay doorka shariifka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin gurmadka xaaladaha degdegga ah ee ka dhaca dalka iyo garab-siinta dadkeenna nugul, waxa uuna tilmaamay in xilligan baahi weyn loo qabo sidii loo mideyn lahaa, loona dardar gelin lahaa gurmada abaaraha ka jira dalkeenna. in ay qeyb laxaad leh ka qaataan gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyees ee ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay qeybo badan oo dalka ah.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Xubnaha Guddiga Gurmadka abaaraha ee uu dhawaan magacaabay ayuu Ra’iisul Wasaaruhu faray in ay dardargeliyaan howsha gurmadka, iskuna xiraan deegaannada Abaaraha ay ka jiraan iyo dadka Soomaaliyeed ee u istaagay samatabixinta dadkooda.

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa soo bandhigtay warbixin hordhac ah oo muujinaysa xaaladda adag ee ka jirta qeybo badan oo ka tirsan Gobollada dalka ee Abaaruhu ay ku dhufteen.

Wararka La Xiriira