Ra’iisul Wasaare Rooble oo si diiran loogu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

|

 

Dhuusamareeb 15 November 2021– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug.

 

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Guddoonka Barlamaanka Galmudug ,mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.

 

Ra’iisul Wasaaruhu Inta uu joogo Dhuusamareeb waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadli doono arrimaha doorashooyinka, nabadeynta iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Wararka La Xiriira