Ra’iisul Wasaare Rooble oo shaqadii ka ceyriyay Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Ku xigeenkiisa

|

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu  xilalkii kaga qaaday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaq iyo ku xigeenkiisa.

Isla wareegtadaas ayaa  loogu magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali  in uu noqdo wasiirka Arrimaha Dibadda, halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaabay mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale isku baddelay labada wasiir ee kala ah:

Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa .

Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen (Badni)  oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib-u-dhiska.

Wararka La Xiriira