Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Guddiga Gurmadka Abaaraha

|

Muqdisho , Nofeembar 20, 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi heer Wasiirro ah oo u xilsaaran u gurmadidda dadka la il-daran abaaraha ka dhacay meel badan ee waddanka ah.

Guddigan oo ka kooban 7 Wasaaradood ayaa kala;

1. Wasaaradda Gargaarka
2. Wasaaradda Maaliyadda
3. Wasaaradda Qorshaynta
4. Wasaaradda Caafimaadka
5. Wasaaradda Beeraha
6. Wasaaradda Warfaafinta
7. Wasaaradda Biyaha

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray guddig in ay si deg-deg ah u howlgalaan oo ay daraasad dhab ah ku soo sameeyaan xaaladda dhabta ah, isagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in la soo caawiyo dadka tabaalaysan.

Wararka La Xiriira