Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Guddi baaris ku sameeya dhacdadii 27-kii December

|

Muqdisho, Jan, 01 2022–Iyada oo la fulinayo Go’aankii Golaha Wasiirrada, ayuu Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir, kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27 December la isku dayay in lagu afgambiyo Xafiisyada Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumadda.

Wasiiradaan ayaa kala ah.

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.

2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.

3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.

4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.

5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah.

Wararka La Xiriira