Ra’iisul Wasaare Rooble oo madaxweyne Laftagareen ku bogaadiyay shaacinta doorashada kuraastii ugu horreeysay ee Golaha Shacabka

|

Muqdisho , Nofeembar 19, 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed, Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KG Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) shaacinta 11-ka kursi ee ugu horreeyay ee Golaha Shacabka kuwaas oo dhawaan la qaban doono .

“Sida ay isku waafaqeen Golaha Wadatashiga Qaran kulankoodii ugu dambeeyay ee ay ku yeesheen aaladda fogaan arraga 11-kii Nofeembar, doorashada Golaha Shacabka waa in lagu soo gabgabeeyaa muddo bil ah oo ka bilaabaneysa 20ka November kuna eg 20ka December.”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ku boorrinayay Dowlad Goboleedyada kale ee iyaguna ku jira diyaar garowga in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabaan doorashada, si looga fogaado dib u dhac kale oo hor leh.

“Sidoo kale waa in qabashada doorashadu ay noqotaa mid xiriirsan oo aan kala go’ laheyn sidii dhacday doorashadii Aqalka sare oo waqti dheer qaadatay”.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay garab istaagaan Guddiyada Doorashooyinka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, si doorashadu ay u noqoto mid hufan,daah-furan oo xalaal ah.

Wararka La Xiriira