Ra’iisul Wasaare Rooble oo Guddoomiyey Shir Wadajir ah oo yeesheen Golaha Wasiirrada Heer Federaal iyo Galmudug

|

Dhuusamareeb, Nofeembar 18, 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa guddoomiyey Shir wadajir ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Wasiir ee heer dowlad-goboleed ee Galmudug.

Labada Gole ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeyneed ee ka dhexeeya Xukuumadda iyo Maamul Gobobeeladka Galmudug, iyadoo la soo bandhigay qorsheyaasha miro-dhalka ah ee laga gaaray daadejinta adeegyada dowladda, dib u dhiska ciidamada iyo mideynta dadaallada lagaga xoreynayo dalka argagixisada Alshabaab.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa xoojiyey muhiimadda ay leedahay in la dardar geliyo doorashada, iyadoo Madaxda Galmudug ay ballan-qaadeen in ay degdeg u bilaabayaan doorashada kurasta Golaha Shacabka ee lagu soo dooran doono Dhuusamareeb iyo Gaalkacayo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey horumarka ka socda deegaannada Galmudug, waxa uuna ugu baaqay shacab iyo maamulba in ay iska kaashadaan sidii loo xaqiijin lahaa hiigsiga reer Galmudug ee aaddan nabadda, horumarka iyo xasilloonida.

Dhankiisa, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Xukuumadda mudnaanta ay siinayaan deegaannada Galmudug iyo sida ay uga go’an tahay in la sii amba-qaado maamul-dhiska iyo horumarka deegaannada Galmudug.

Wararka La Xiriira