Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqasho dhiirigelin ah ugu tagey Ciidanka X.D.S ee ka howlgala Galmudug

|

Dhuusamareeb, Nofeembar 17, 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen ayaa booqasho dhiirigelin ah ugu tagay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Galmudug.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee ka howlgala deegaannada Galmudug ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey howlgallada ay argagixisada kaga xoreynayaan goobaha ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxaha Nabad-Diidka. Isagoona balan qaaday in xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada baahiyahooda.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku weheliyey Madaxweynaha Dowlad-goleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Wasiirro, Xildhibaann iyo madax heer federaal iyo dowlad-goboleed ah.

 

 

Wararka La Xiriira