Qoraa Soomaaiyeed oo labo buug oo uu qoray ku soo bandhigay Magaalada Espoo, Finland

|

Maalinimadii shalay ayaa  waxaa maktabadda weyn ee ku taal bartamaha magaalada Espoo, Finland lagu soo bandhigay labo buug oo isku mar soo saaray Qoraa Cabdullaahi Sujuud, sida ay qortay Warbaahinta Codka Soomaalida Finland ee Suomen Somali Media Verkosto.

Daah-furka buugaagtan ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad Soomaali iyo Ajnabi isugu jira oo ka kala yimid magaalooyin kala duduwan, dadkaas oo badankood ka sheekeeyay aqoonta ay Qoraaga u leeyihiin, doorkiisi nabadaynta Soomaaliya, samafalenimadiisa iyo shakhsiyadda diirnaxa iyo geesinimada kulansatay ee uu Sujuud leeyahay.

Waxaa kale oo xusid mudan in qaab fogaan arag ah ay uga soo qaybgaleen dad magac ku leh bulshada Finnishka dhexdeeda, dadkaas oo Qoraaga la soo qabtay shaqooyin kala duduwan.

Waxaa kale oo goobta ka hadashay weriye si dhow ula socotay barnaamijna ka samaysay dhexdhexaadintii nabadeed ee uu Qoraagu sannado badan ka hayay kooxo isku-hayay siyaasadda Soomaaliya.

Buugga koowaad ayuu qoraagu u bixiyay Islaamka iyo Xagjirnimada (Aragtida uu Islaamku ka qabo xagjirnimada) wuxuuna ku qaada-dhigay sooyaalka xagjirnimada, noocyada ay xagjirnimadu u kala baxdo iyo astaamaha lagu dir-sooco xagjirnimada iwm.

Buugga labaad ayaa si gaar ah uga hadlaya taariikhda qoraaga, safarkiisi nabadda ee Soomaaliya iyo suugaan uu isagu curiyay oo uu Soomaalida ku hoga-tusaalaynayo uguna sheegayo ahmiyadda ay nabadda iyo walaaltinimadu u leedahay noolaha dunida ku nool.

Qoraaga oo lagu yaqaan samafal iyo gacan-siinta dadka tabaalaysan ayaa madasha daah-furka buugaagta ka sheegay in wixi kharash ah ee Buugaagtan ka soo xarooda uu u weecinayo xannaanaynta carruurta Soomaaliya ee derbiyada ku dayacan (carruurta derbi-jiifka ah).

Si aad uga qaybqaato hawshan uu qoraagu ku caawinayo carruurta derbi-jiifka ah ee Soomaaliyeed, fadlan iibso buugaagtan.

Waxaad buugaagtan ka dalban kartaa cinwaanka hoose:
Tel: +358409612692 Email: awalepublisher@gmail.co sujuud2004@gmail.com

Xigasho: Warbaahinta Codka Soomaalida Finland

Wararka La Xiriira