Qatar oo ka faa’iiday dagaalka Ruushka uu ka wado Ukraine

|

Heshiiska ayaa khuseeya ballaarinta goobaha ay Qatar ka soo saarto shidaalka dabiiciga ah, waxaana sidoo kale qeyb ka ah shirkadda Total ee laga leeyahay Faransiiska.

Ruushka ayaa dhimay gaaska uu ka iibiyo Talyaaniga iyo Faransiiska, kadib markii mas’uuliyiin ka socda waddamadaas ay gaareen caasimadda Kyiv, si ay Ukraine ugu muujiyaan taageeradooda ku aaddan ku codsiga xubinnimada Midowga Yurub.

Qorshaha Qatar ayaa ah in ballaarin ku kacaysa 28 bilyan oo dollar lagu sameeyo aaggaas uu ku jiro gaaska ugu badan dunida. Waxaa sidoo kale la filayaa in shirkado kale oo ka shaqeeya tamarta ay ku soo biiraan mashruuca.

Qorshahan ayaa sii xoojin doona kaalinta Qatar ee ah dalka gaaska dabiiciga ah ee ugu badan dibedda u dhoofiya, waxaana la filayaa in mashruuca cusub uu gaaska ugu horreeya soo saaro sanadka 2026.

Madaxa shirkadda Eni, Claudio Descalzi, ayaa sheegay in shirkaddiisa ay qaadatay saami dhan 3.12% mashruuca ballaarinta.

Yurub ayaa doonaysa inay mustaqbalka ka maaranto gaaska dabiiciga ah ee Ruushka oo ay hadda dalalkeedu isticmaalaan 40%.

Shirkadaha Total, Exxon, Shell, Eni iyo Chevron ayaa Qatar u soo bandhigay fursado ay ku maalgashan karto ganacsiyada ay ku leeyihiin dibedda.

Ruushka ayaa dhankiisa faa’iido xooggan ka helay tamarta uu iibiyo, waxaana daraasad la sameeyay lagu ogaaday in boqolkii maalmood ee u horreeyay duullaanka Ukraine ay xukuumadda Moscow gaaskeeda iyo shidaalkeeda ka macaashtay boqol bilyan oo dollar.

Waddamada Yurub ayaa culays xooggan kala kulmaya tamarta uga timaada Ruushka, maadaama ay xukuumadda Moscow rabto in lacagteeda roubles looga iibsado gaaska iyo shidaalka, taasoo caqabad ku noqon karta cunaqabateynta ay dalalka Galbeedka saareen Ruushka.

Wararka La Xiriira