Puntland oo uga digtay dowladda Federaalka inay gasho heshiisyo aan sharciga waafaqsaneyn, xilli Shirka Shidaalka dalalka Afrika uu ka socday magaalada Dubai

|

Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeestay, isla markaana uga digtay dowladda muddo xileedkeedu dhamaaday inay gasho heshiisyo aan waafaqsaneyn sharciga ee lagu xaraashayo khayraadka wadanka, sida lagu qoray war murtiyeed ka soo baxay maamulka Puntland

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland, iyada oo ka duulaysa mowqifkeedii hore ee 9-kii Bishii January iyo 11- February 2020, ay cadaynayso in aysan qayb ka ahayn fulinta Sharciga Shidaalka ee la saxiixay 8th February 2020, maadaama uusan wafaqsanayn Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Federaalka iyo hannaanka qaybsiga khayraadka dalka oo aan wali lagu heshiin.

” Puntland waxa ay ka digaysaa in Dowladda muddo xileedkeedu dhammaaday ay xilligan gasho heshiisyo aan waafaqsanayn sharciga ee lagu xaraashayo khayraadka wadanka, kaas oo ay ka dhalan karto xasilooni darro ayaaagu yiri” Qoraalka kasoo baxay Puntland.

Sidoo kale  Dowlad Goboleedka  Puntland ayaa uga digay Shirkadaha Caalamiga ah in aysan heshiis sharci-daro ah la gelin Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Marka laga soo tago Warsaxaafadeedka diidmada ah ee kasoo baxay Mamaulka Puntland ayaa waxaa xusid mudan in Maamulka Jubbaland oo xulafo la ah Puntland uu shirkaasi uga qeyb galayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka Maamulkaas

Wararka Radio Maanta

News In English

Wararka La Xiriira