Nabadoon lagu dilay magaalada Muqdisho

|

Rag hubeysan ayaa waxa ay xalay ku dileen nabadoon caan ka ahaa qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Sida ay qortay shabakadda wararka ee Jowhar Online, Allaha u naxariistee Nabadoon Maxamed Xasan Nuur Muuse ayaa lagu dhex diley guri uu ka degenaa xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid.

Lama oga cidda ka dambeysay dilka nabadoonka iyadoo dadkii dilkiisa ka dambeeyay ay baxsadeen kahor inta aysan gaarin ciidamada Booliska halka lagu diley nabadoonka.

Dilalka noocan oo kale ah ee ka dhaca Muqdisho xilliyada ay soo dhowaadaan doorashooyinka, xilli odoyaasha dhaqanku ay saameyn mug leh ku dhex yeelan doonaan xulista xildhibaanada soo socda.

Wararka La Xiriira