MW Biixi Oo Golaha Wakiilada Somaliland U Gudbiyay Xubnaha Cusub Ee Komishanka Doorashooyinka

|

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoo ka duulaya dhaqaajinta iyo hirgelinta arrimaha doorashooyinka Somaliland ayaa waxa uu maanta Golaha Wakiilada Somaliland u gudbiyey wareegto madaxweyne oo ah xubnaha loo soo xulay inay noqdaan Komishanka Doorashooyinka ee Cusub.

Ujeeddo: Soo-gudbinta zubnaha Komishanka doorashooyinka ee Cusub

Sida aad la socoto, waxa is-wada casilay xubnihii Komishanka Doorashooyinka. Sidaas darteed, waxa aan halkan ku soo gudbinayaa toddobada xubnood ee loo soo xulay in ay noqdaan Komishanka doorashooyinka cusub, si waafaqsan Qodobka 15aad, Faqraddiisa 4aad ee Xeerka guud ee doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020, xubnahaasi oo buuxiyey shuruudaha xubinnimada Komishanka doorashooyinka ee ku qeexan Qodobka 14aad ee Xeer Lr. 91/2020.

Sida ku cad Qodobka 13aad, Faqraddiisa 2aad ee Xeerka guud ee doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020, waxa soo xulaya Xubnaha Komishanka doorashooyinka Madaxweynaha Somaliland (3 Xubnood), Golaha Guurtida (2 Xubnood), Axsaabta Siyaasadda ee diiwaan-gashan – Xisbiga WADDANI iyo Xisbiga UCID (2 Xubnood).

Haddaba, waxaan halkan kugu soo gudbinayaa xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin ee loo soo xulay Komishanka Doorashooyinka ee cusub:

1- Muuse Xasan Yuusuf Madaxweynaha SL.
2- Axmed Cismaan Xasan Madaxweynaha SL.

3- Xuseen Cabdi Cali Madaxweynaha SL.

4-. Axmed Yuusuf Maxamed Golaha Guurtida.

5- Faadumo Ismaaciil Cabdi Golaha Guurtida.

6- Cabdicasiis Xirsi Warsame Xisbiga WADDANI.

7- Ibraahim Aadan Cali Xisbiga UCID.

Wararka La Xiriira