Muxuu Erdogan ku diidey ka qaybgalka shirka ugu weyn caalamka?

|

Xilli ay madaxda dalalka caalamka ayaa isugu yimiddeen shirka cimilada ee Qaramada Midoobay ee COP26, waxayna soo bandhigayaan qorshaha dalalkooda ee la tacaalidda isbedelka cimilada, dhanka kale, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa diiday inuu ka qayb galo shirkan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sababta ku sheegay ‘sababo amni’.

Turkiga ayaa sheegay in Britain ay ku guuldarreysatay inay ka soo baxdo dalabaadkooda dhanka ammaanka, iyagoo diiday ka qeyb galka shirka ka socda Glasgow Isniintii, sida ay ku warrantay wakaalada wararka ee Reuters.

Arinka xiisaha leh ayaa se ah, Sabtidii iyo Axadii todobaadkii hore, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, waxa uu ku sugnaa Rome oo uu kaga qayb galay shirkii G20.

Intii uu socday kulanka, wuxuu la kulmay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ka dibna waxaa loo qorsheeyay inuu gaadho shirka COP26 ee ka socda Glasgow, Scotland.

Si kastaba ha ahaatee, halkii uu ka tegi lahaa Glasgow, wuxuu ku laabtay Turkiga saqdii dhexe ee Isniintii.

Wargayska Barrons ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray in Erdogan markii uu ku laabtay dalka Turkiga uu u sheegay warfidiyeenka in qabanqaabiyaasha xafladda Glasgow ay ku guuldaraysteen in ay wax ka qabtaan arrimaha ammaanka ee wafdigiisa.

Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa laga soo xigtay Erdogan: “Markii dalabaadkeenna la fulin waayey, waxaan ka tanaasulnay rabitaankeenna inaan aadno Glasgow”.

“Ma aha oo kaliya in ay tahay amnigeena balse sidoo kale waxay khusaysaa sharafta dalkeena.”

Waxa uu sheegay in kuwani ay yihiin hab-maamuusyada caadiga ah ee Turkiga kuwaas oo lagu dhaqmo safar kasta oo caalami ah.

Raiisel wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa markii hore sheegay in dhibaatada la xaliyay, laakiin Erdogan ayaa sheegay dhankiisa, “Wuxuu noo yimid daqiiqaddii ugu dambeysay oo uu sheegay in ay jiraan dhibaatooyin badan oo uu ka soo xigtay dhinaca Scotland.”

Shabakadda Middle East Eye oo soo xiganaysa ilo Turki ah ayaa sheegtay in qabanqaabiyayaasha ay xaddideen tirada dadka wafdiga ee la socda Erdogan.

Bishii hore, baarlamaanka Turkiga ayaa aqbalay heshiiskii cimilada ee Paris 2015, wuxuuna ahaa waddankii ugu dambeeyay ee ururka G20 ee qaata.

Turkiga ayaa heshiiskan hakiyay sannado badan. Waxa uu sheegay in Turkiga aan lagu darin dalalka horumaray, sababtoo ah waxa ay dhimayaan dhaqaalihii ay ku bixin jireen qiiqa kaarboonka. Waxa kale oo ay sheegeen in Turkigu taariikh ahaan wax yar ka geystay qiiqa kaarboonka.

Isla markaana, Erdogan waxa uu sidoo kale xoogga saarayaa arrimaha deegaanka marka la eego doorashada guud ee la qabanayo labada sano ee soo socota ka dib. Laakiin dhinaca kale, wuxuu sidoo kale la wareegayaa xulafadiisa ugu weyn ee reer galbeedka.

Kulankii Erdoan iyo Biden ee Rome ayaa ku dhawaaday in la baajiyo ka dib markii Erdogan uu bishii hore ku hanjabay inuu eryi doono safiirada 10 dal oo reer galbeed ah.

Xidhiidhka Turkiga iyo Mareykanka ayaa mar walba ahaa mid aan hagaagsanayn. Xidhiidhka labada dal ayaa sidoo kale xumaaday sababtoo ah heshiiska Turkiga uu ku iibsanayo nidaamka difaaca hawada ee Ruushka iyo taageerada Mareykanka ee dagaalyahanada Kurdiyiinta ee Suuriya, ayaa ahaa waxyaalaha wiiqayey.

Wararka La Xiriira