Muslimiin tiro badan oo dalbanaya in ay is casisho ra’isulwasaaraha dalkooda arrinkii nabiga (NNKH) awgeed

|

Haweeneyda Ra’isul wasaaraha ka ah dalka Bangladesh Sheekh Xasiina ayaa cadaadis xooggan la kulmeyso kaddib markii ay ka aamustay aflagaaddadi ay toddobaadki hore siyaasiyiin Hindiya ka soo jeeda ay u geysteen Nabi Muxammed (NNKH).

Sheekh Xasiina oo soo saartay bayaan ay kaga hadleysay doorashada dalka Bangladesh ka dhaceyso 2023-ka ayaan soo hadal qaadin aflagaaddada Nabiga (NNKH) loo geystay oo waddamo badan muslimiin ah ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen.

Caasimadda dalkaasi ee Dhaka iyo magaalooyinka kale ee dalka Bangladesh waxaa ka dhacay mudaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo afhayeenkii hore ee xisbiga BJP Nupur Sharma kaasi oo xiriir la leh aflagaaddadi ay u geysatay Nabi Muxamed (NNKH).

Dadka mudaharaadaya ayaa ku dhawaaqayey hal ku dhigyo ka dhan ah Nupur Sharma iyaga oo sitay sawir gacmeedyo isla-markaana dalbanayey in xabsiga loo taxaabo.

Sheekh Xasiina, Ra’isul Wasaaraha Bangladesh waxaa soo food saaray cadaadis xooggan oo salka ku hayso kiiska ay muslimiintu u haytsaan siyaasiyihiinta reer Hindiya ee ku xadgudubay sharfata Nabiga (NNKH) iney ka aamustay.

Xasiina ayaa dooneyso Ra’isul Wasaaranimo iney isu soo sharraxdo doorashada guud ee 2023-ka dalkaasi ka dhaceyso.Wargeyska Hindu oo soo xigatay xubno ka tirsan xisbiga ALP waxay sheegeen mudaharaadyada ka dhashay aflagaaaddada siyaasiyiin ka tirsan xisbiga BJP ay u geysteen Nabi Muxammed (NNKH) ay saameyn ku yeelaneyso booqahada ay Sheikh Xasini ay ku tageyso Hindiya.

Waxaana sii kordhaya cadaadiska Sheekh Xasiina lagu saarayo iney mowqifka ay aflagadda loo geystay Rasuulka (NNKH) ay iska taageyso iney caddeysato.

Wararka La Xiriira