Maxay tahay ciyaarta natiijadeeda taariikhiga tahay ee haweeneydan ku dirtay dowladda iyo shacabka waddankeeda?

|

Si la mid ah malaayiin qof oo caalamka ku nool, Nafeesa Attari waxay isha ku heysay shaashadda telefishinkeeda markii Hindiya ay la ciyaartay Pakistan kulankii furitaanka ee tartanka Koobka Adduunka ee T20.

Haweeneydan oo macallimad ka ah iskuul, kana soo jeedda magaalada Udaipur ee waqooyiga Hindiya waxa ay sidoo kale daawatay ciyaartii ay Pakistan 10 tuurasho uga guuleysatay Hindiya, laguna tilmaamay guul nadiif ah.

Maalmo kaddib waa la xiray waxaana la geeyay xabsiga saldhigga booliska. Dambiga sida muuqata lagu heysto waa: sida ay Whatsapp status-keeda ugu dabaaldagtay iyagoo muujineysa sida ay ugu faraxsan tahay guusha Pakistan.

Waxa ay ka mid tahay dad badan oo Muslimiin ah oo ku nool Hindiya oo loo xiray sabab ku saabsan taageerada ay u muujiyeen Pakistan, gaar ahaan ciyaartii ugu dambeysay, arrintaasoo sare u qaadday walaaca laga qabo ilaalinta xorriyadda hadalka ee waddanka ay ka jirto dimuqraaddiyadda ugu wayn caalamka.

Dadka kormeera ilaalinta xuquuqda ayaa ku dooday in go’aannada lagu xiray dadkan ay yihiin hubkii ugu dmabeeyay ee ay adeegsaneyso dowladda Hindiya ee ay hoggaamiyaan xisbiga Bharatiya Janata Party’s (BJP), ujeeddaduna ay tahay in marmarsiiyo loo helo dhibaateynta dadka Muslimiinta ah ee laga tirada badan yahay, inkastoo arrintaas ay dowladdu beenisay.

Ms Attari ayaa WhatsApp-ka kusoo qortay “Jeeeet gayeeee… We wonnn,” oo micnaheedu yahay eray dabaal dag ah oo muujinaya farxadda qof guuleystay. Waxa ay qoraalkaas soo raacisay sawirka kooxda Pakistan.

Waxaa qoraalkeeda arkay waalidka mid ka mid ah ardaydeeda, kaasoo usii diray dad kale ka hor inta uusan si weyn ugu faafin baraha bulshada.

Ms Attari waxaa durbadiiba laga eryay shaqadii iskuulka, waxaana la dhigay xabsiga iyadoo lagu fulinayo “sharci loo adeegsado dadka ku xad gudba sharafta waddanka”.

Mar ay wareysi siineysay telefishin maxalli ah waxaa laga arkayay inuu ka muuqdo walwal aad u weyn, waxayna raalligelin ka bixisay inay khalad sameysay.

“Qof ayaa iisoo diray farriin uu uga soo jawaabay qoraalka iyo sawirka aan soo dhigay, wuxuuna i weydiiyay inaan taageerayay Pakistan. Maadaama ay su’aashu u muuqatay mid si ciyaar ciyaar ah la ii weydiinayana, waxaan ku jawaabay haa”, ayay tiri.

“Tani micnaheeda ma aha inaan taageero Pakistan. Aniga waxaan ahay Hindi, waan jeclahay Hindiya.”

Kaddib markii damiin looga soo daayay xabsiga, waxay ku laabatay gurigeeda oo ay la joogaan ninkeeda iyo cunug yar, haddana waxay la dagaallameysaa dacwadda lagu soo oogay.

“Boosliska waxay sameeyeen waa khalad gabi ahaanba. Haddii uu qof ku dhaqaaqo khalad ama aadan fikirkiisa ku raacsaneyn, ma aha dambi ama khiyaano qaran toona,” ayuu yiri qareenkeeda oo lagu magacaabo Rajesh Singhvi.

“Tallaabadan waxay kasoo horjeeddaa dastuurkeenna iyo sharciga waddanka,” ayuu sii raaciyay.

Rajendra Parmar, oo xubin ka ah xisbiga Hinduuga ee ku mayalka adag qarannimada, Bajrang Dal, ayaa Ms Attari ku dacweeyay booliska.

“Dadka noocan ah waa inay aadaan Pakistan. Hindiya ayaad ku nooshahay, halkan ayaad nolol maalmeedka ka heshaa balse waxaad u dabaaldageysaa kuwaas guushooda,” ayuu ku yiri BBC-da.

Mr Parmar waxa uu sheegay inuusan ka qoomameyn doonin dacwadda uu ka gudbiyay haweeneydaas. “Kani waa inuu cashir u noqdo iyada. Waa macallimad iskuul. Waxbarasho noocee ah ayay siin kartaa carruurtaas?”

Hadalladiisa waxa ay sii xoojin karaan cadaawadda u dhaxeysa dad badan oo Hindiya iyo Pakistan u kala dhashay oo markii horeba ay colaad ka dhaxeysay tan iyo wixii ka dambeeyay xilligii ay ku kala go’een Gumeysigii Hindiya ee Britain

Koox ardayda caafimaadka ah oo ku sugan gobolka Kahsmir ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwado noocan ah – oo loo cuskaday xeerka adag ee la dagaallanka argagixisada – iyagoo lagu eedeynayo inay garab taagnaayeen kooxda Cricket-ka ee Pakistan.

Tallaabadaas kaddib, gobolka Kashmir waxaa ruxay dibadbaxyo lagu dalbanayo in ardayda caafimaadka la sii daayo.

Qoysaska dadkooda loo xiray arrintan awgeed ayaa aaminsan in dowladdu ay ujeeddo kale ka leedahay howlgalladan, saxna aysan ahayn.

Toddobo qof oo ku sugan gobolka Utar Pradesh ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay u dabaaldageen guusha Pakistan.

Ma aha markii ugu horreysay ee ciyaar cricket ah ay kiciso caro xoog leh oo jawaabtan noocan ah laga bixiyay.

Sanadkii 2014-kii, 60 arday oo reer Kashmir ah oo ku sugnaa gobolka Uttar Pradesh ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inay u dabaaldagayeen kooxdii Pakistan ee kasoo horjeedday Hindiya.

Balse dacwadahaas ayaa markii dambe la iska laalay kaddib markii cadaadis xoog leh uu ka yimid wasaaradda sharciga.

Ciyaaraha Cricet-ka ayaa mar walba ahaa kuwo ay ku faanaan Hindida balse daraasado dhawaanahan la sameeyay waxa ay muujiyeen in 56% ka mid ah dadka waaweyn ee reer Hindiya ay ka dhaadhacsan tahay in waddaniyaddu ay qayb ka tahay taageeridda kooxda ciyaartoyda ah ee Hindiya, taasna ay waajib ku tahay qofka Hindiga ah.

Tusaalooyin noocan oo kale ah ayaa sidoo kale laga soo tabiyay dhanka kale ee xuduudda oo ah waddanka Pakistan.

Sanadkii 2016-kii, taageere u dhashay Pakistan oo taageerayay kabtanka kooxda Hindiya, Virat Kohli, ayaa la xiray kaddib markii uu surtay calanka Hindiya isagoo ku sharfaya.

Cricket-ka labada waddanka way ku dhaartaan balse xarigga ugu dambeeyay ee ka dhacay Hindiya waxa uu lama filaan ku yahay dadka u dooda xuquuqda hadalka.

Wararka Radio Maanta

News In English

Wararka La Xiriira