Maxaa ku Cusub Warbixinta Hanti-Dhowrka Soomaaliya?

|

Xafiiska Hanti-Dhowraha DFS ayaa maanta daabacay warbixin sannadeedka hanti-dhowrka ee sannadkii hore ee 2020. Warbixinta ayaa muujineysa lunsasho hanti, ku takrifal awoodda maamulka, dayac daryeelka bulshada iyo mas’uuliyad darro la xiriirta ku dhaqan la’aanta nidaamka maaliyadda ee dalka.

Warbixinta oo kooban waxay sheegeysaa;

– Miisaaniyadda guud ee dalka ee 2020 ayaa ahayd $685 Milyan, hase yeeshee waxaa la sisaab-celiyay $287.8 Milyan oo kaliya.

– Hay’adaha Dowladda ayaa badankooda adeegsada xisaab bangiyo gaar loo leeyahay oo aan ahayn Bangiga Dhexe, taasoo khilaafsan nidaamka maaliyadda dowladda iyi daahfurnaanta.

– $17 Milyan oo deeq dibedda laga heley ahayd ayaan la marsiin xisaabta rasmiga ee Bangiga Dhexe oo waxay gacanta u gashay shakhsiyaad gaar ah.

– Safaaradaha Soomaaliya ee kuyaalla dibedda ayaa qabtay lacag gaareysa $278,000, balse lacagtaasi laguma darin dakhliga miisaaniyadda 2020.

– Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamul Gobolleedyada ayaan wax xisaab-celin ah kasoo sameyn $78 Milyan oo ay ka heleen Dowladda Federaalka.

– $3.9 Milyan oo ahayd lacagtii Covid19 oo lasiiyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamul Gobolleedyada ayaan meelna lagu sheegin.

– Inkastoo lacag ku filan loo hayey, haddana Wasaaradda Caafimaadka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamul Gobolleedyada yaa ku guul dareystay inay furaan xarumo caafimaad oo ku filan si dadka Coronavirus u dhimanayey loo badbaadiyo.

– Rukhsadaha kalluumeysiga ee la bixiyay 2020, waxaa dalka kasoo galay lacag gaareysa $56 Milyan, balse nasiib darro ma jiro wax nidaam ah oo lagu xadeynayo kalluumeysiga sharci darrada iyo shuruuc lagula socdo rukhsadaha la bixiyay.

– Habka musharaadka lagu siiyo ciidamada ammaanka ee DFS ayaan la marsiin nidaamka maaliyadda ee dalka.

Wararka La Xiriira