Mareykanka oo muwaadiniintiisa kula taliyey iney isaga baxaan Itoobiya

|

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, ayaa sheegtay in xaaladda ammaan ee dalkani ay aad u xumaatey, waxeyna kula Talisay muwaadiniinteeda inay u diyaar garoobaan sidii ay dalka uga bixi lahaayeen.

Qoraalka lasoo dhigay barta facebook-ga ee safaaradda, ayey uga digtay muwaadiniinteeda inaysan u safrin goob ka baxsan magaalada caasimadda Addis ababa.

Dhanka kale, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa dalbadey in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka holcaya Itoobiya.

Wuxuu intaa ku darey in xasiloonida Itoobiya ay muhiim u tahay amniga guud ee mandiqadda.

Wararka La Xiriira