Maraykanka oo Ergay Cusub u soo magacaabay dalalka Geeska Afrika

|

Hadal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Ambassador Mike Hammer loo soo magacaabay Ergay Cusub ee Marykanka ugu qaabilsan Arrimaha dalalka Geeska Afrika.

Ambassador Mike Hammer waxa uu xilka kala wareegi doonaa Ergaygii hore ee Marykanka ee Geeska Afrika ee xilka ka sii degayo, Ambassador David Satterfield oo isaga xilaasi hayey tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan 2022-ka.

Ergayga Cusub ee Maraykanka ee Arrimaha Geeska Africa. Ambassador Mike Hammer waxa uu noqon doonaa Ergaygii 3-aad ee uu Maamulka Madaxweyne Joe Biden u soo magacaabo Arrimaha Geeska Afrika.
Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken waxa uu sheegay in Ergayga Cusub, Ambassador Mike Hammer uu dadaal Diplomaasiyadeed ka qaadan doono Xalinta Xasaradaha ka aloosan Mandiqadda Geeska Afrika, isla marekaan uu si dhaqso leh taageero uga geysan doono dadaalka Wax-ku-oolka ee Siyaasadda ku aadan Ammaanka Guud iyo Barwaaqaynta dhamaan dadka ku nool dalka Ethiopia.
Qoraalka Xoghaye Blinken waxa kale oo uu ku xusay in Maamulka Maraykanka diirada saari doono Xabbad-joojinta Colaadda Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga Ethiopia iyo in dhabo Ammaan ah helaan Hawlaha Samafalka Aadminimada, Baaritaanadda dheeltirin ee Tacadiyadii iyo Xadgudubyadii Xuquuqda Aadanaha ee ay geysteen dhinacyada ku dagaalamayo Ethiopia iyo in Wada-xaajood lagu xaliyo Colaadda ka socota Waqooyiga Ethiopia.

WQ.Ustaad Nuradin

Wararka La Xiriira