Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay 2 xubnood ee ka dhinnaa Aqalka Sare

|

Madaxweynaha Maamuka Galmudug Axmed Cabdi Kariye Qoorqoor ayaa magacaabay labada xubnood  ee ka dhinnaa aqalka sare maalinimadii Talaadada ahayd.

Labada kursi waxaa ku kala tartami doona:

1- Cabdi Xasan Cawaale Qeybiid

Cawil Nuur Cali

2- Cabdi Cismaan Xareed

Mahad Aadan Guuleed

Guddiga Hirgalinta doorashada ee Galmudug oo soo saaray jadwalka doorashada labadaasi xubnood.

Labadan kursi ayaa ah kuraasta ka harsan doorashada aqalka sare, iyadoo guddiga doorashooyinka ay shaaciyeen in toddobaadka soo socda ay bilaabanayso doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.

Wararka La Xiriira