Maamul goboleedka Galmudug oo toddobaadka soo socda bilaabaya doorashada kuraasta Aqalka Hoose

|

Dhuusamareeb (Radio Maanta) Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu bilaabayo doorashada Aqalka Hoose.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed  Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ku dhawaaqay in maamulkiisu gudageli doono 5-ta xubnood ee ugu horeysa doorashada aqalka hoose.

”Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Galmudug, waxaan diyaar u nahay in aan maalinta barri ah guda gali doono 5ta xubnood ee ugu horreysa doorashada aqalka hoose. Guddiga doorashada ayaan ka sugeynaa dardargelinta doorashada golaha shacabka BFS. Wa bilaahi towfiiq.” Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa bartiisa twiter-ka soo dhigay.

Guddiga maamulka doorashooyinka ee Galmudug ayaa ku dhawaaqay shanta kursi ee lagu doorashadoodu ka bilaabmi doonto magaalada Dhuusamareeb toddobaadka soo socda:

Kuraasta ayaa kala ah: HOP#043, HOP#054, HOP#104, HOP#067 iyo HOP#026.

Ku dhawaaqista bilaabashad doorashada Aqalka hoose ayaa timid kadib markii maalinimadii shalay ay dowladaha Ingiriiska, Mareykanka iyo Norway ay  sheegeen inay doorashooyinka Aqalka hoose ay ka bilaabmaan saddex maamul goboleed si ay u fasaxaan lacagaha loogu talo galay qabashada doorashooyinka.

Wararka La Xiriira