Maalinta caalamiga ah ee Dumarka Miyiga: Kaalinta haweenka reer-guuraaga ah

|

Maanta oo kale dunida waxaa laga xusaa maalinta caalamiga ah ee haweenka reer guuraaga ah, ujeedaduna waxay tahay in la aqoonsado doorka muhiimka ah ee ay haweenkaasi ku leeyihiin nolosha miyiga, iyo horumarka qoysaska.

Sidaas oo ay tahayna qaar ka mid ah haweenka reer guuraaga ah ee ku nool miyiga dhulka Soomaalida ayaa sheega in raggu hawlihii qoyska ku eegaan dumarka intooda badanina ay qaad uun u foofaan.

Waxay ku doodayaan in lagama maarmaan tahay in ragga ay isdaba qabtaan oo ay ka soo dhalaalaan kaalinta ay ku leeyihiin nolosha iyo daryeelka qoyska oo aanay culayska ku sii daynin haweenka.

Waxaa haweenka dooddaa qaba ka mid ah Xalwo Xasan Maxamed Guuleed, oo ku nool miyiga Cawsano oo ka tirsan gobolka Sanaag, weriyaha BBCda Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ayey u warantay.

Wararka La Xiriira