Kuraastii u dambeysay ee Aqalka sare oo maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb

|

Labadii kursi ee u dambeysay Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa lagu doortay magaalada Dhuusamareeb, taasoo ka dhigan dhameystirka kuraasta Aqalka sare ee Soomaaliya, iyadoo doorashada baarlamaanka Aqalka Hoose la filayo in la soo gebagebeeyo dhamaadka Bisha Disember 2021.

Senator Cabdi Qaybdiid  loo doortay markale in uu ka mid noqdo senatorada Aqalka sare, halka  Senator Cabdi Cusmaan Xareed, isagana loo doortay kursigii ugu danbeeyay doorashada Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada oo aqalka ka dhacday caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa dhameystireysa xubnaha Aqalka sare ee Soomaaliya oo ah 54 kursi.

Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer federaal ayaa todobaadkanin  24 bisha Disembar ay noqoto maalinta ugu dambeysay doorashada golaha shacabka soo gebagebeynayo.

Wararka La Xiriira